House Maid
Job Summary
Waxaan raadineynaa Shaqaale Guri (House Maid) oo daacad ah masuul ah kana goan ilaalinta nadaafadda iyo habsami u socodka guriga. Qofka la shaqaaleynayo wuxuu ka caawin doonaa qoyska hawlaha maalinlaha ah ee guriga isagoo hubinaya in gurigu ahaado mid nadiif ah habaysan oo raaxo leh.
Waajibaadka Shaqada
- Nadiifinta iyo hagaajinta dhammaan qaybaha guriga.
- Karinta ama diyaarinta cuntooyinka kaladuwan.
- Dhaqidda qalajinta iyo laabidda dharka.
- Nadiifinta jikada iyo musqulaha.
- Dhaqidda iyo habeynta weelasha.
- Hagaajinta sariiraha iyo beddelidda gogosha.
- Ilaalinta nadaafadda iyo habsami u socodka guriga.
- Daryeelka iyo ilaalinta alaabta guriga.
- Raacitaanka tilmaamaha qoyska iyo ilaalinta asturnaanta guriga.
Shuruudaha Shaqada
- Khibrad hore oo House Maid ah (shaqaale guri).
- Daacadnimo kalsooni iyo masuuliyad.
- Anshax shaqo wanaagsan iyo ixtiraam.
- Awood u leh qabashada hawlaha guriga si hufan.
- Waqti ilaalin iyo nadaafad qofeed wanaagsan.
Fiiro Gaar ah
Codsiyada waxaa la aqbali doonaa oo keliya haddii codsaduhu buuxiyo dhammaan shuruudaha kor ku xusan. Codsiyada aan dhammaystirnayn ama aan buuxin shuruudaha lama tixgelin doono.
Sida Loo Codsado
Dadka danaynaya waxay soo diraan:
- CV-ga oo la cusboonaysiiyay.
- Nuqulka Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID).
- Macluumaadka dammaanadda.
Dukumentiyada kale ee taageeraya codsiga (haddii ay jiraan).