Enter a job title or keyword

Fursad Shaqo Darawal


Job Location:

Mogadishu - Somalia

Monthly Salary: Not provided by the employer
Posted: 1 August 2026 (30+ days ago)
Application Deadline: 29 October 2026
Vacancies: 1 Vacancy

Job Summary

Fursad Shaqo: Darawal (Driver)

Khibrad Recruitment Agency waxay raadinaysaa Darawal (DRIVER) daacad ah masuul ah isla markaana leh khibrad ku filan si uu ugu biiro shaqaalaheenna. Qofka la qaadanayo wuxuu masuul ka noqon doonaa wadista gaariga shirkadda si ammaan ah u hoggaansanaanta shuruucda waddooyinka iyo ilaalinta gaariga inta uu shaqada ku Jiro.

Waajibaadka Shaqada

  • Wadista gaariga shirkadda si ammaan ah oo xirfad leh.
  • Ilaalinta nadaafadda iyo dayactirka fudud ee gaariga.
  • Hubinta in gaarigu mar walba diyaar u yahay shaqada.
  • U hoggaansanaanta shuruucda waddooyinka iyo siyaasadaha shirkadda.
  • Soo gudbinta wixii cillad ama warbixin ah ee la xiriira gaariga ama shaqada.

Shuruudaha

  • Ugu yaraan 23 sano oo khibrad ah oo dhanka wadista Gaariga.
  • Waa inuu yahay qof daacad ah aamin ah isla markaana leh akhlaaq wanaagsan.
  • Waa inuu keenaa dammaanad.
  • Waa inuusan lahayn wax balwad ah.
  • Waa inuu haystaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID).
  • Waa inuu si wanaagsan u yaqaan waddooyinka Muqdisho.
  • Waa inuu leeyahay karti shaqo iyo masuuliyad.

Fiiro Gaar ah

Codsiyada waxaa la aqbali doonaa oo keliya haddii codsaduhu buuxiyo dhammaan shuruudaha kor ku xusan. Codsiyada aan dhammaystirnayn ama aan buuxin shuruudaha lama tixgelin doono.

Sida Loo Codsado

Dadka danaynaya waxay soo diraan:

  • CV-ga oo la cusboonaysiiyay.
  • Nuqulka Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID).
  • Macluumaadka dammaanadda.
  • Dukumentiyada kale ee taageeraya codsiga (haddii ay jiraan).